HomeWararSaalax Badbaado “Madixii Camaliyaadka Istish-haadka ee Alshabaab”.

Saalax Badbaado “Madixii Camaliyaadka Istish-haadka ee Alshabaab”.

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbaado” ayaa ka mid ahaa Shaqsiyadakii Alshabaab ee shalay isku qarxisay Xarunta AMISOM ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay Taariikh Nololeedka Saalax Badbaado oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2010-kii.

- Advertisement -

Waxa uu sannadkii 1960-kii ku dhashay Degmadda Gar-adag ee Gobalka Sanaag, wuxuuna Waxbarashadiisa ilasa Dugsiga Sare ku soo qaatay magaallooyinka Sheekh, Ceerigaabo iyo Hargeysa.

Markii uu Alshababa ku biiray waxa uu ka qalin jebiyey Machadka Culuunta Sharciga ee Cabdalla Casaam ee ay Hoggaanka Alshabaab asaaseen.

Waxa  uu ka soo shaqeeyey Goballadda Jubbooyinka iyo kuwa kale ee ay Alshabaab haysteen,wuxuuna haatan Madax ka ahaa Maktabka Istish-haadka ee Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Madaxii Istish-haadka ee Alshabaab waxa uu shalay ka mid noqday labadii qof ee isku qarxisay Xarunta AMISOM, waxayna Warbaahinta Alshabaab sheegeen inuu Saalax Badbaado kaxeynayey mid ka mid ah gaadiidkii loo adeegsaday Is-qarxintaas.

Si kastaba ha ahaatee, Saalax Badbaado ayaa laga hayaa xusuus ku aadan Xilligii uu ka goostay Barlamaankii Dowladdii KMG, isagoo Barlkamaanka ku tilmaamay inay xubno ka yihiin dad gaallo ah.

Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaan Isbedelka Aragtidiisa  iyo Dhaqdhaqaaqyadiisa muddadii uu ka tirsanaa Alshabaab (2010-kii ilaa 2016-ka) iyo Falkii Is-qarxinta ee uu ku geeriyooday.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories