HomeWararBeesha Caalamka oo si wadajir ah u cambaareysay Qaraxyaddii lala beegsaday Xarunta...

Beesha Caalamka oo si wadajir ah u cambaareysay Qaraxyaddii lala beegsaday Xarunta AMISOM.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wakiilladda Gaarka ee QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia, waxay si kulul u cambaareeyeen Qaraxyadii Mataanaha ee loo adeegsaday gawaari miineysan ee shalay lala beegsaday Xarunta Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Muqdisho. Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyootay Qaraxyadaasi, halka ay 5 kalena ku dhaawacmeen. War Saxaafadeed uu soo saaray  Ergayga Gaarka ee Xoghayaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakiilladda Gaarka ee QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia, waxay si kulul u cambaareeyeen Qaraxyadii Mataanaha ee loo adeegsaday gawaari miineysan ee shalay lala beegsaday Xarunta Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Muqdisho.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyootay Qaraxyadaasi, halka ay 5 kalena ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

War Saxaafadeed uu soo saaray  Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa  tilmaamay inuu falkaasi tusaale cusub u yahay  Isku-dayga ay Alshabaab ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Horumarka Siyaasadda ee haatan socda.

Waxa uu intaasi ku daray inay QM iyo Dowladda Somalia ka hakin doonin qabashadda Doorashooyinka dhici doona dabayaaqadda sannadkan.

War Saxaafadeedka waxaa kale oo uu ku xusay inay Alshabaab marar badan qaadeen Weeraro ay ku naf waayeen ugu yaraan Tobaneeyo  qof oo Soomaali ah.

- Advertisement -

Michael Keating waxa uu xaqiijiyey inaysan jirin Shaqaale ka tirsan QM oo ka mid ahaa dadkii shalay ku geeriyoodeen Qaraxyadaasi.

Sidoo  kale, Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Francisco Madeira ayaa cambaareeyey qaraxyaddii shalay, oo uu ku tilmaamay in lagu waxyeeleeyey Nolosha caadiga ee dadka Soomaalida.

Waxa uu sheegay inay socdaan baaritaanka  tirada dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi iyo burburka kale, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo weerarada noocaasi ah.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay weeraradaasi, waxayna sheegtay inay Dowladda Somalia ka taageeri doonaan sidii loo wiiqi lahaa Alshabaab.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Ned Price ayaa soo saaray War Saxaafadeed lagu muujiyey inay Dowladda Maraykanka garab taagan tahay Dowladda Somalia iyo qeybaha kale ee Caalamka ee dagaalka kula jirta Alshabaab.

Dowladaha Britain iyo Turkiga ayaa iyagana cambaareeyey weerarkaasi.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts