HomeWararBoliska Kanada oo lagu eedeeyey geeridii Muwaadin Soomaali oo dhimirka la’aa.

Boliska Kanada oo lagu eedeeyey geeridii Muwaadin Soomaali oo dhimirka la’aa.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Abdirahman Abdi oo 37 jir ah ayaa shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Ottawa ee dalka Kanada, 45 daqiiqo kadib, markii ay Boliska ay Isbitaalka geeyeen. Marxuumkaasi oo cuddurka Dhimirka ku dhaca la xanuunsanaa ayey Boliska ka soo qabteen Dhismaha Hintonburg, iyadoo la sheegay inay Boliska jir-dileen. Dhowr Sarkaal oo ka tirsan Boliska Ottawa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Abdirahman Abdi oo 37 jir ah ayaa shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Ottawa ee dalka Kanada, 45 daqiiqo kadib, markii ay Boliska ay Isbitaalka geeyeen.

Marxuumkaasi oo cuddurka Dhimirka ku dhaca la xanuunsanaa ayey Boliska ka soo qabteen Dhismaha Hintonburg, iyadoo la sheegay inay Boliska jir-dileen.

- Advertisement -

Dhowr Sarkaal oo ka tirsan Boliska Ottawa ayaa soo xiray ninkaasi oo ay ku eedeeyeen inuu carqaladeyn ka wada meel ku dhow Dukaan laga cabo Kafeyga.

Goobjooge lagu magacaabo Zeynab Abdullaahi ayaa sheegtay inay Boliska u sheegtay inuu Abdirahman Abdi waalan yahay, kana bariday inay sii daayaan, balse ay Boliska ku gacan sayreen codsigeeda.

Goobjoogayaal kale ayaa iyagana sheegay  inuu Marxuumka dhiig baxay, isla markaana ay Boliska ku buufiyeen sunta dadka ka ilmeysa oo laga farsameeyey Bisbaas.

- Advertisement -

.Afhayeenad u hadashay Qoyska Marxuumka oo lagu magacaabo Nimco Cali ayaa sheegtay inay la kulmeen Dhakhaatiirta, una sheegeen in laga yaabo inuu Marxuumku u geeriyooday hawada Oksijiinka oo ku yaraatay Maskaxdiisa.

Abdirisak Abdi oo la dhashay Marxuumka oo la hadlay Telefishinka CBC News ayaa sheegay inuu arkay Boliska  oo si caddowtooyo leh u garaacayey Walaalkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska dusha kaga fariisteen Walaalkiisa, iyagoo madaxa ka garaacayo.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska magaalladda Ottawa ayaa sheegay inay la xiriiri doonaan Qoyska Marxumka ku dhintay Gacanta Boliska, wuxuuna xusay inay Baarayaasha Boliska ee SIU ku guda jiraan baaritaanka Shilkaasi murugada leh.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts