HomeWararDEGDEG: Madaxda Midowga Afrika oo ku fashilmay inay doortaan Guddoomiyaha cusub ee...

DEGDEG: Madaxda Midowga Afrika oo ku fashilmay inay doortaan Guddoomiyaha cusub ee  Ururka AU.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ee uu Kulankooda 27-aad uga socdo caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali ayaa ku guul-daraystay inay doortaan Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika “African Union”. Sarkaal ka tirsan AU oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in ay Hoggaamiyayaasha isku af-garan waayeen Shaqsiga cusub ee xilka kala wareegi doona Guddoomiyaha xilligan ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ee uu Kulankooda 27-aad uga socdo caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali ayaa ku guul-daraystay inay doortaan Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika “African Union”.

Sarkaal ka tirsan AU oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in ay Hoggaamiyayaasha isku af-garan waayeen Shaqsiga cusub ee xilka kala wareegi doona Guddoomiyaha xilligan ee Golaha AU, Nkosazana Diamini Zuma oo uu ka dhamaaday xilligii ay haysay Xilkaasi.

- Advertisement -

“Qiiq madow ayaa waxa uu ka imaanayaa Shirka 27-aad ee Madaxda Afrika, mana jiro qof ku guuleystay Xilkaasi. Guddiga doorashadda waxay doorashadda Guddoomiyaha cusub dib u dhigeen tan iyo Shirkooda soo socda” sidaa waxaa yiri Afhayeenka Guddoomiyaha Xilligan ee Ururka AU, Dlamini Xuma.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Jacob Enoh Eben ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
3 Musharax oo u kala dhalatay dalalka Uganda, Botoswana iyo Ekwatooriyaal Gini ayaa u taagan Xilkaasi, inkastoo uusan  midkooda ma helin tirada Cod-bixiyayaasha loo baahnaa Aqlabiyadda  ee ahaa Saddex Duleel oo labo.

54 Hoggaamiye ee ka kala socda Dowladaha Afrika ee codka dhiibanayey, waxaa Wareegii ugu dambeeyey aan coddkooda dhiibanin 28 Hoggaamiye oo ka mid ah 54-ka Madaxweyne ee sida qarsoodiga codadkooda u dhiibtay.

- Advertisement -

Waxay taasi keentay in la joojiyo Cod-bixinta Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika, waxayna Madaxdu isku raaceen in xilliga loo kordhiyo Guddoomiyaha Xilligan ee Ururkaasi, Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika.

KIGALI AU

Xigasho: AFP

©Rdaio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts