HomeWararQaar ka tirsan Saraakiishii Afgembigii Fashilmay ee  Turkiga oo lagu qabtay Giriiga.

Qaar ka tirsan Saraakiishii Afgembigii Fashilmay ee  Turkiga oo lagu qabtay Giriiga.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Dowladda Giriiga ayaa sheegtay inay dadkaasi oo watay Diyaarad Helikopter ay codsadeen Magangelyo Siyaasadeed. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Black Hawk Helicopter ayaa waxay duhurnimadii ku degatay Garoon ku yaalla magaalladda Aleskandarupo , kadib markii uu Duuliyihii Diyaaradaasi  soo dirsaday Fariin Qeylo-dhaan ah. Telefishinka dalka Giriiga ee ERT TV ayaa shaaciyey in 7 ka mid ah […]

- Advertisement -

Dowladda Giriiga ayaa sheegtay inay dadkaasi oo watay Diyaarad Helikopter ay codsadeen Magangelyo Siyaasadeed.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Black Hawk Helicopter ayaa waxay duhurnimadii ku degatay Garoon ku yaalla magaalladda Aleskandarupo , kadib markii uu Duuliyihii Diyaaradaasi  soo dirsaday Fariin Qeylo-dhaan ah.

- Advertisement -

Telefishinka dalka Giriiga ee ERT TV ayaa shaaciyey in 7 ka mid ah dadka la socday diyaaradda ay  wateen Labiska Ciiddamada, lana rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen Ciiddankii ku lugta lahaa Afgembigii Fashilmay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Athens ayaa sheegtay in Saraakiisha Turkiga ee soo galay Giriigga ay darajadoodu kala ahayd Gaashaanlayaal, Kabtano iyo Saddex Aliflayaal iyo qof rayid ahaa.

Turkish helicopter1

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories