HomeWararShirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay hawlgalada  lagula dagaalamayo Alshabaab.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay hawlgalada  lagula dagaalamayo Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo howlgallada ay wadaan Ciidamadda Qalabka sida laga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo howlgallada ay wadaan Ciidamadda Qalabka sida laga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa golaha Wasiirada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee amniga dalka, waxana uu si gaar ah u xusay howlgal qorsheysan oo Ciidamadda gaarka ah ee Danab ay ka fuliyeen deegaanka Goobaale oo 80 KM u jira Ballidoogle halkaas oo saldhigyo qarsoodi ah ay ku lahaayeen kooxaha Argagixisada. Wasiirka ayaa tilmaamay in la burburiyey saldhiggaasi isla markaana lagu dilay saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Argagixisada.

- Advertisement -

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa u soo jeediyey Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya in la ansixiyo sharciga Isgaarsiinta oo muhiim u ah isgaarsiinta dalka kaas oo horyaala Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office 
Mogadishu, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts