HomeWararEng. Yariisow: “IGAD waa inay faraha kala baxaan Maamul-u-samaynta Sh/dhexe iyo Hiiraan".

Eng. Yariisow: “IGAD waa inay faraha kala baxaan Maamul-u-samaynta Sh/dhexe iyo Hiiraan”.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Siyaasiga Eng. C/raxmaan Osman Omar “ Eng. Yariisow” oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Sh/dhexe ayaa gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Urur-gobaleedka IGAD ee dhismaha Maamul-gobaleedka Labada Gobal ee SH/dhexe iyo Hiiraan. Eng. Yariisow oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay in Qorshaha IGAD yahay Xad-gudub, Ihaano  iyo Faragelin meel […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siyaasiga Eng. C/raxmaan Osman Omar “ Eng. Yariisow” oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Sh/dhexe ayaa gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Urur-gobaleedka IGAD ee dhismaha Maamul-gobaleedka Labada Gobal ee SH/dhexe iyo Hiiraan.

Eng. Yariisow oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay in Qorshaha IGAD yahay Xad-gudub, Ihaano  iyo Faragelin meel looga dhacayo fursadda ay dadka ku nool Labadaasi Gobal iskooda uga tashan lahaayeen Dhismaha Maamulkooda.

- Advertisement -

Siyaasiga oo horey u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Wasiirkii Warfaafinta waxa uu qorshaha IGAD ku tilmaamay Fal lagu doonayo in khilaaf laga dhex abuuro dadka Walaalaha ee wada deggan Labadaasi Gobal.

“Faragelinta IGAD waxay abuuri kartaa Xiisad iyo Olol Siyaasadeed iyo mid Bulsho, waxaana la gudboon Madaxda IGAD inay faraha kala baxaan Maamul -u-samaynta Goballadaasi” ayuu yiri Eng. Yariisow, oo intaasi ku daray in ay Faragelinta IGAD carqaladeynayso Dastuurka Qaranka iyo Nidaamka Federalisimka ee laga hirgelinayo dalka Somalia.

Waxa  kale oo uu carrabka ku dhuftay in IGAD joojiyaan Faragelinta, isla marka dadka Deegaanka loo oggolaado inay si wadajir ah uga tashadaan Maamulkooda iyo Masiirkooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Siyaasiga Eng. C/raxmaan Osman Omar “ Eng. Yariisow” waxa uu hoosta ka xariiqay in Hoggaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Sh/dhexe iyo Hiiraan awood u leeyihiin inay si niyadsami leh uga tashadaan, una yegleelaan Maamul-Gobaleedka ay ku midoobi karaan.

Hadalka Siyaasigaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Idaacadda Radio Dalsan baahisay  Dukumentiga Sirta ee  Qorshaha IGAD ee Dhismaha Maamul -gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

©Radio Dalsan.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts