HomeWararDukument Sir ah: Shaxda IGAD ee Maamul-u-samaynta Goballada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dukument Sir ah: Shaxda IGAD ee Maamul-u-samaynta Goballada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Idaacadda Radio Dalsan ayaa  heshay Dukumenti Sir ah oo ku aadan Qorshe Hawleedka  Urur-gobaleedka IGAD ee ay  ku dhisayaan Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ee weli la isku mari la’ yahay. Kadib, markii ay Dowladda Federalka Somalia u gudbisay Nidaamka Maamul-u-samaynta Goballada Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxay IGAD bilaaneen inay diirada saaraan sidii ay u samayn lahaayeen […]

- Advertisement -

Idaacadda Radio Dalsan ayaa  heshay Dukumenti Sir ah oo ku aadan Qorshe Hawleedka  Urur-gobaleedka IGAD ee ay  ku dhisayaan Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ee weli la isku mari la’ yahay.

Kadib, markii ay Dowladda Federalka Somalia u gudbisay Nidaamka Maamul-u-samaynta Goballada Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxay IGAD bilaaneen inay diirada saaraan sidii ay u samayn lahaayeen Nidaamka u noiqonayo Maamulka loo dhisayo Labadaasi Gobal.

- Advertisement -

Dukumentiga IGAD oo u muuqda mid qabyo ah  ayaa waxa lagu soo bandhigay Qoddobo badan oo ku aadan Awood Qeybsiga, Caasimadda Maamul-gobaleedkaasi, qaabka ay Qabaa’illadda degga halkaasi ugu kala tiro badan yahay iyo qoddobo kale.

 

Dukumentiga ayaa lagu xusay Qiimeynta IGAD ee sida ay u kala tiro badan yihiin Beelaha Hawiye ee ku nool  Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxayna qiimeyntooda ka dhigeen sidatan:

- Advertisement -

Beelaha ugu tirada badan Gobalka Hiiraan:

  1. Beesha Xawaadle,
  2. Beesha Gaal-jecel
  3. Gugun-dhabe

Beelaha looga tirada badan yahay Gobalka Hiiraan

  1. Beesha Udeejeen 0.5
  2. Faqi Cumar iyo Faqi Muxumad ee Beesha Shiikhaal.

Sidoo kale, Shaxda IGAD ee Beelaha ku wada nool Gobalka Sh/dhexe ayey u kala qeybisay sidatan:-

Beelaha ugu tirada badan Gobalka Sh/dhexe:

  1. Beesha Mundulood
  2. Jareer-weyne
  3. Gaal-jecel
  4. Xawaadle

Beesha looga tiro badan yahay Sh/dhexe:

Waxaa kaloo la sheegay in Beesha H/gidir looga tiro badan yahay  Gobalka Sh/dhexe:

Dukumentiga Shaxda sirta ee Maamul-u- samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaa lagu xusay inay IGAD soo bandhigi doonto  Awood-qeybsiga Maamulkaasi, iyadoo Madaxweynaha Maamulka cxusub loo qoondeeyey Mas’uul ka soo jeeda Beesha Xawaadle. halka Guddoomiyaha Barlamaanka loo magacaabi doono Mas’uul ka soo jeeda Beesha Jareer Weyne ama Gugundhabe.

Dhinaca kale, Dukumentiga Sirta ah oo ku aadan Qorshe Hawleedka  Urur-gobaleedka IGAD ku dhisayaan Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan waxaa lagu sheegay in Beelaha Mundulood iyo Habar gidir aysan Mansabka Sare ka heli doonin Dowlad- gobalkedka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh/dhexe, maadaama ay Beesha Mundulood hayaan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, halka Beesha Habar-gidirna ay Xilka Madaxweynenimo  ka heleen Dowlad-  Gobaleedka Galmudug.

Dukumentiga waxaa kaloo lagu xusay inay Koox ka socota IGAD wada tashi la furi doonaan Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka. Ururadda Bulshadda ee ka soo jeeda Sh/dhexe iyo Hiiraan si loola wadaago Aragtidooda ku aadan Dhismaha Maamulkaasi.

Waxaa kaloo la filayaa in Ergooyin ka kala socda labada Gobal ka qeyb galaan Shir ay IGAD ku qaban doonto Addis Abeba ama Nairobi, si loo soo dhamaystiro Dhismaha Maamulkaasi.

Dukumentiga waxaa lagu xusay in Wejiga Labaad ee qorshaha IGAD yahay inay soo bandhigaan Dastuurka Maamul Gobaleedka,Caasimadiisa, Magaca loo bixinayo Maamulkaasi iyo qaabka uu noqonayo Calanka Maamulka u gaarka noqonayo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Shaxda IGAD waxaa kaloo lagu muujiyey in Shirweyne lagu qaban doono magaalladda Beled-weyn oo noqon doonto Caasimadda Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dukumentigaasi oo ka kooban ilaa 23 bog waxaa E-mail isku  isku dhaafsaday  Madax ka tirsan IGAD, waxayna Shaxda u muuqataa  sii kala fogeyn kara dadka Walaalaha ee ku nool Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

©Radio Dalsan.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories