HomeWararR/Wasaare-ku-xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha...

R/Wasaare-ku-xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa  shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay’adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed. waxana ka soo qeyb galey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kadiye. Ujeedda kulanka ayaa ahaa sidii […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa  shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay’adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed. waxana ka soo qeyb galey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kadiye.

Ujeedda kulanka ayaa ahaa sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa Sharcigii hore 1959 ilaa 1988 lagu dhaqayay xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo ay sharcigani soo bandhigtay Hay’adda IMO oo ka shaqaysa sharciyada ilaalinta Xeebaha Caalamka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane M. Cumar ayaa sheegay in Sharcigani uu koobsanayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Soomaaliyeed, ka ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed qashinka lagu shubo, Ganacsiga badaha oo 2030 la rabo in uu laba jibaarmo, iyadoo arrintaa ay ka faa’iideysanayso Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya taageereyso sharciyada caalamiga ah ee lagu dhaqo badaha iyo kan hadda dib-u-eegista lagu sameynayo ee Soomaaliya. Sidoo kale sharcigani wuxuu ka shaqayn doonaa badbaadinta dhalinyarada ku dhimanaya badaha, iyadoo la burburinayo Shabakadaha ka shaqeysta Tahriibka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Maxamed Cumar ayaa u mahadceliyey cid walba oo gacan ka geystay sharcigani, gaar ahaan Hay’adda soo bandhigtay ee IMO iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

- Advertisement -

CARTE 01CARTE

CARTE2

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office 
Mogadishu, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories