Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka looga baahan yahay in ay ka fikiraan hal mid oo ah in hadii uu khilaaf yimaado ay ka faa’iideestaan Cadawga.
“Waxaa xaqiiqo ah in ay muhiim tahay in dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada ay mar walba ka fikiraan hadii uu yimaado khilaaf dhexdooda ah in la xoojinayo cadawgooda,sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga gudbo iskhilaafka si loogu guuleysto cadawga dowladda ayuu yiri ra’iisul Wasaare Kheyreâ€
Waxa uu sheegay in muhiim ay sidoo kale tahay in laga shaqeeyo amniga maadaama hadii Muqdisho ay amni noqoto gobolada kale ay amni noqonayaan,waxa uuna ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta dalka.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa ku soo aadaya xili uu khilaaf ka dhexjiro gudoonka Golaha Shacabka kaas oo curyaamiyay Shaqadii dowladda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.