HomeWararCiidamada NISA oo weeraray Fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin Xaafad ka mid ah...

Ciidamada NISA oo weeraray Fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin Xaafad ka mid ah Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso degmada Kaxda Gaar ahaan Xaafadda la yiraahdo Qabuuraha 100-ka boos ayaa ku waramaya in halkaasi uu xalay ka dhacay iska hoor imaad u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid Kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya ay xalay saqdii dhexe ay weerar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso degmada Kaxda Gaar ahaan Xaafadda la yiraahdo Qabuuraha 100-ka boos ayaa ku waramaya in halkaasi uu xalay ka dhacay iska hoor imaad u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid Kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya ay xalay saqdii dhexe ay weerar ku aadeen xaafaddaas oo sida dadka deegaanku sheegeen xilliga habeenkii ah ay soo galaan Al-shabaab.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey hal Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday iska hor imaadka dhax-maray ciidankan dowladda ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab,dhinaca dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee dagaalka la galay ciidanka dowladda ayaan la xaqiijin Karin inta uu le’egyahay qasaaraha dagaalka kagaaray.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Kaxda iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa lagasoo xigtay in weerarka xalay ciidanka dowladdu qaadeen uu daba socdo dil shalay Al-shabaab ay xero barakac ay ugu geytsteen Askari ka mid ahaa ciidanka dowladda Soomaaliya,iyagoona dagaalyahanadii dilka fuliyey ay horay usii qaateen qorigii uu watay askariga ay dileen.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka banaadir Maxmed Ismaaciil iyo xubanaha kale ee amniga u qaabilsan degmadaasi oo aan la xariirnay kama aysan jawaabin wicitaankeenna.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts