Magaalada Muqdisho ayaa weli Isgoysyadeeda qaar ay xiran yihiin mudo ku dhow todobaad iyada oo loo diidayo in Gaadiidka iskala gudbaan Isgoysyada taasna ay cabasho ka keeneen Shacabka Muqdisho.
Isgoysyada weli xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir Isgoyska,Dabka, Sanca iyo Isgoysyo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Gaadiidka ayaa markii ay marayaan mid ka mid ah Isgoysyada ayaa ciidamadu celinayaan,waxana dadka saaran Gawaaridaas ay markii ka tallaabaan Isgoyska ay mid kale oo kala wareeg ah ka raacayaan.
Shacabka Magaalada muqdisho ayaa aad ula yaabaan dhibaatadaan soo korortay oo ku aadan in Isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho  la xiray,dadkuna halkii ay doonayaan ay mudo saacadaha wadada ku sii jirayaan oo aysan gaari karin.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa xiligii uu ku jiray ololihiisii doorashada waxa uu sheegay in uu ka duwanaan doono madaxdii ka horeysay oo wadooyinka xiri jiray,waxana dadka badankood ay aaminsan yihiin in balantii uu uga baxay.