Magaalada Muqdisho Waxaa la keenay qaar ka mid ah Askartii Ciidamada AMISOM kaga dhaawacantay weerarkii shalay kolonyadooda lagu qaaday xili ay marayeen duleedka degmada Balcad ee Goblka Shabeellaaha Dhexe.
Dhaawacyadaas Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi  oo aan weli helin toradooda ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Heerka labaad ee AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho si loogu daweeyo.
Isbitaalka ay ku jiraan dhaawacyada ayaa waxaa Maanta booqday si uu ula socdo xaaladooda ku xigeenka Madaxa Midowga Afrika ee Soomaliya kaas oo lagu Magacaabo Simon Mulongo iyo masuuliyiin kale.
Madaxda Midowga Afrika ee AMISOM ayaan weli shaacin tirada Askartii kaga geeriyooday weerarkii Balcad marka laga reebo dowladda Burundi oo sheegtay in 5 Askari looga dilay.