Saraakiil ka socota Hay’addaha UN-ka, Taliska Amisom Safaarada Dowladaha Mareykanka & Turkiga iyo wakiilo kale ayaa Maanta waxa ay gaareen Magaalada  dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Saraakiishaan ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey wakiilka dowlada fadaraalka u qaabilsan dhameystirka heshiiskii galmudug iyo ahlusuunna Cabdisamad Macalin Maxamuud iyada oo intasi kadib lageeyay halka uu ka socdo shirka amniga Galmudug oo looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xoreynta deegaanada ka maqan Galmudug iyo qodobo kle.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan dowlad gobolleedka galmudug sida , wasiirka amniga , wasiirka Arimaha gudaha, Wasiirka Maaliyadda , Saraakiisha ciidamada iyo xubno ka socda wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya , waxaana shir gudoominaya Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Saraakiishan ka socotay Hay’adaha UN-ka iyo Wakiilada Safaaradaha Mareykanka iyo turki ayaa balan qaadey in xafiisyada ay ka socdaan ay si hagar la’aan ah u taageeri doonaan galmudug si loo xoreeyo deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka wefdiga gaaray Dhuusamareeb.