Barnaamijka Dooda Dalsan oo ah Barnaamij todobaadle ah ayaa waxaan todobadkiiba ku soo qaadanaa hadba mowduucyo kala duwan.
Todobaadkaan Barnaamijka waxaan uga hadleeynaa Qaramada Midoobay  ayaa Muqdisho todobaadkan ku qabatay Shir looga hadlayay Arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo ee Soomaaliya hadaba Soomaaliya muxuu uga dhigan yahay Shirkaas.
Barnaamijka waxaa ka qeybgalaya Axmed Cabdi Kariim Nuur oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha , Mowliid Mudan oo ah Madaxa Xiriirka Warbaahinta Hay’adda Save the Children oo ka Shaqeysa badbaadada Caruurta kaas oo Nairobi uga qeyb galay shir midkaan la mid ahaa iyo Maxamed Cali xuseen oo ah falanqeeye dhinaca Dhaqaalaha ah iyo Sheekh Maxamed Mahadale oo ku nool Xerada Barakacayasha Badbaado ee Magaalada Muqdisho.
Hoo Ka Dhageyso Barnaamijka oo uu soo diyaariyay soona jeedinayo Wariye Axmed Xuseen Cadoow.