HomeWarar(FAALLO): Maxay ka dhigan tahay Farriintii Madaxweyne Farmaajo ee Doorashadii Madaxweynaha...

(FAALLO): Maxay ka dhigan tahay Farriintii Madaxweyne Farmaajo ee Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xil-diid oo u tartamayey Xisbi Xaakimka Maamulka Somaliland ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee ay kula tartameen Guddoomiyayaasha Xisbiyadda UCID iyo Waddani. Dowladaha deriska iyo kuwa Caalamka ayaana si dhow ula socday Nidaamkii ay u dhacday Doorashadaasi, Natiijadii ka soo baxay iyo Fal-celintii Murashixiintii laga guuleystay oo iyagu saluug-siyaasadeed qabtay, nalse […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xil-diid oo u tartamayey Xisbi Xaakimka Maamulka Somaliland ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee ay kula tartameen Guddoomiyayaasha Xisbiyadda UCID iyo Waddani.

Dowladaha deriska iyo kuwa Caalamka ayaana si dhow ula socday Nidaamkii ay u dhacday Doorashadaasi, Natiijadii ka soo baxay iyo Fal-celintii Murashixiintii laga guuleystay oo iyagu saluug-siyaasadeed qabtay, nalse u hambalyeeyey Murashixii  ku guuleystay Xilkaasi.

- Advertisement -

Madaxweyne Biixi ayaa noqon doona Madaxweynihii 5-aad ee Maamulka Somaliland soo maray tan iyo markii ay Siyaasiyiin Reer Somaliland ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii inay ka go’ee4n qeybaha kale ee Jamhuuriyadda Somalia.

Xiriirka Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa iska noqday mid calawsan, waxaana horey u fashilmay Shirar ay Labada dhinac kaga hadleen Qaddiyadda Midnimadda Somaliland iyo Gooni-isku-taagga Somaliland.

Madaxda Maamulka Somaliland ayaana u muuqda kuwo hiigsanaya inay Beesha Caalamka u aqoonsadaan Somaliland dal madax-bannaan o oka go’ay dalweynihii Somalia.

- Advertisement -

Hiigsiga noocaasi ayaana weli geeddigiisa lagu jira, inkastoo aysan weli Ictiraaf helin, marka laga reebo Dowladda Ethiopia oo Heshiis la saxiixatay Maamulkaasi, isla markaana Safaarad ka furatay magaalladda Hargeysa.

Dolwadihii KMG iyo kuwa Federalka ee Somalia ayaana mabda’ ahaan ruemysan in Somaliland weli qeyb ka tahay Goballadda dalka Somalia, inkastoo ay Siyaasiyiinta Maamulkaasi u arkaan inay 26-sanno ka hor ka go’een Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Ifafaalo muujinaya inay DFS iyo Maamulka Somaliland isku soo dhawaan karaan, marka laga qiimo qaato Geeddi-socodkii Wada-hadalkii labada dhinac.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaana noqday Madaxweynihii ugu horreeyey  oo si farxad leh ugu hambalyeeyey  Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Inkastoo ay Tallaabadaasi  naadir ku tahay  Madaxda Qaranka, waxaa  Fasiraad badan laga bixinayaa  Nuxurka Hambalyadaasi.

Siyaasiyiinta Qunyar-socodka iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul-gobaleedyadda ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Farmaajo ku saxsan yihiin arrinkaasi, isla markaana ay Farriin Niyad-wanaag u tahay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland iyo guud ahaan Reer Somaliland.

Diplomaasiyiinta Caalamka ayaa iyagana indhaha ku haya Mustaqbalka Somalia iyo Somaliland iyo Rajada laga qabi karo inay Labada dhinac Is-faham Siyaasadeed ka gaareen, si loo soo celiyo Midnimaddii Somali-weyn.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee labada dhinac waxay falaanqeyn ku hayaan Farriinta Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u arka mid looga dan lahaa Beer-laxawsi Siyaasadeed iyo in Warbaahinta Caalamka hadal-hayn ka dhigtaan Hambalyadii Madaxweyne Farmaajo.

Xeeldheerayaasha ayaa iyagana doc kale ka eegay Farriintaasi, iyagoo rumeysan in Hadalka Madaxweyne Farmaajo tahay Farriin Siyaasadeed ku socota Dowlado kale, kuwaasi oo jaal dhow la ah Maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, markaynu isku soo duubno Farriinta Madaxweyne Farmaajo uu u  diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ayaan lagu fasiri Karin mid soo dedjin karta Is-fahamka Labada dhinac, oo iyagu 25-sanno ku kala didsanaa Qaddiyadda Midnimadda Somalia iyo Gooni-isku-taagga Somaliland ee Ictiraaf-doonka ah.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts