Maanta oo ah 21 Bisha Octoper waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya lagu qabtay Munaasabad lagu mamuusayay Maalinta Cunada Aduunka iyo Maalinta Beeraha Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka Beeraha Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabku ay noqdaan kuwo isku filan oo ka maarma kaalmo weydiisashada Caalamka.
“Waa inaan isku filnaanaa  oo aan isgarab istaagnaa si markii ay cuno yari timaado looga hortago  abaar in ay dalka halakeeyso shacabkuna ay noqdaan kuwo baaba’a ayuu yiri R’iisul Wasaare ku xigeenkaâ€
Markuu ka hadlayay Siyaada dowlada ayuu shegay in ay tahay dhiiri galinta koboca dhaqaalada dalka.
“Siyaasada badbaadada Cuntada iyo in uu wadanka yeesho qorsho cad oo lagu yareenkaro gaajada waxay u baahan tahay in la dhsio Kaabayaashii Beerahii  burburay iyo in la howl geliyo Xarumaha wasaaradaha ayuu sii raaciyay hadalkiisaâ€
Hoos Ka Dhageyso Warbixintaan oo dhameystiran iyo Wariye Farxiyo Muraad.
Â