Ciidamada Amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo dhanka amniga ah ka bilaabeen deegaano ku teedsan Buuraha Cal Madow ee Gobolka Bari.
Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanada Majiyahan iyo Madarshoon oo u dhaw Buuraha Cal Madow.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada howlgalka wada ayaa waxa ay Wrbaahinta u sheegen in howlgalkaan uu yahay mid jawaab u ah weerarkii ay Al-Shabaab ku soo qaadeen koontaroolka magaalada Boosaaso oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Weli Saraakiisha ma faah faahin waxyaabaha ay howlgalkaas ku soo qabteen iyo natiijadii laga gaaray balse waxaa la filayaa in Saacadaha nasoo aadan ay howlgalkaas ka Warbixiyaan.
Sawirro