Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Sooamaliya ayaa Maanta lagu wadaa in uu dalka ka ambaabxo isaga oo ku sii jeeda Caasimadda dalka Suudaan ee Magaalada Khartuum.
Booqashadan uu ku tegayo Suudan ayaa la sheegay in ay tahay mid uu Casuumaad kaga helay Hoggamiyaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir,waxaana safarka ku wehlin doona xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaaliya iyo Mareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi dhuux iyo xubno kale.
Markii uu tago Sudaan ayaa waxa uu kulan la qaadaan doonaa Madaxweyne Al-Bashiir,iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo farabadan oo ku sabsan xaalada dalka Soomaaliya.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ayaa todobaad ka hor waxa uu booqashadii Saddexaad uu ku tegay dalka Sacuudiga tan iyo markii Madaxweyne loo doortay