Kadib markii dhawaan Maamulada Puntland,Galmudug, iyo Koonfur Galbeed shaaciyeen in ay la safteen Isbaheysiga Sacuuga ayaa taasi waxa ay keentay in xiriirka Dowlada Federalka iyo Dowlad-Goboleedyada uu xumaado.
Dowlada Federalka ayaa waxa ay ku doodeysaa in hogaamiyaasha Dowlad-Goboleedyada in aysan xaq ulaheen in ay go’aan ka qaataan Siyaasada Arimaha Dibada.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumer ayaa mar uu ka hadlayay Khilaafka Xoogan ee Hadda u dhaxeeya Madaxda Galmudug,waxa uu soo hadal qaaday Go’aanada ay qaadanayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo la xiriira in ay Dowlad Xiriirka u jaraan Dowlado kalena ay ku taageeraan Siyaasadooda Arimaha Dibada.
Waxaana Wasiir Garaad uu sheegay in aysan Xaq u laheen Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada in ay go’aanadaa qaataan marka laga eego Dastuurka Dalka.
Halkan ka dhageyso Wasiirka Arimaha Dibada Yuusuf Garaad: