HomeWararMareykanka oo Lacago u balan qaaday Wadamo ay Soomaliya ku jirto

Mareykanka oo Lacago u balan qaaday Wadamo ay Soomaliya ku jirto

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye. Donal Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ka qeyb galayay Shirka G20 oo dalka Jarmalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.

Donal Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ka qeyb galayay Shirka G20 oo dalka Jarmalka lagu qabtay  ayaa ku dhawaaqay deeqdaasi waxa uuna sheegay in lacagtaan ay dabooli doonto baahi iyo dhibaato badan oo ay qabaan Wadamada uu lacagtaas uu u balan qaaday.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wadamada Caalamka iyana dhankooda laga doonayo in ay kaalin muuqata ka geestaan Caawinta dadka ku nool Qaarada afrika oo badankood ay abaartu saameeysay.

Wadamo badan oo ay  ka mid tahay Soomaaliya ayaa waxaa Sanadkii tegay ee 2016,dii ka dilaacay abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo Duunyada ku nool Gobolo badan oo  Soomaaliya ka mid ah wallow haatan ay u muuqato in ay tahay mid sii yaraaneysa.

Lacagtaan uu balan qaaday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya waxaa qeyb ahaan ku soo aadi karta in ka badan 100 Milyan oo dollar,balse hadii uu bixiyo waxa ay wax badan ka qaban doontaa dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo heesta Wadamada Qaarada Afrika qaarkood oo ay Soomaaliya qeyb weyn ka tahay

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts