Inta la xaqiijiyay  in ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maraya deegaano ka tirsan gobollada dhexe.
Dagaallada ayaa la sheegay inay ka dhasheen dhul daaqsin iyo guryo, waxaana ay dhex marayaan maleeshiyo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Odayaaasha dhaqanka labada gobol ayaa ku baaqaya in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo
Gudoomiyaha Gobolka Hiiran Cumar Aadan ibraahim ayaa sheegay inay wadaan ka maamul ahaan qorsho ay ku baadigoobayaan Nabada iyo dhaxdhexaadinta dhinacyadaasi walaalaha ah ee dagaalamaya isagoo sheegay in  Maamulka G/Hiiran oo wada dadaalo lagu qaboojinayo daminta colaada beelahaasi.
War laga soo saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa loogu baaqay  dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan in ay si dag-dag ah oo shuruud la,aan ah u joojiyaan dagaalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka