HomeWararMeydadka Dadkii doonta lagu duqeeyay ee Dalka Yaman oo la aasayo(Waqtigee)

Meydadka Dadkii doonta lagu duqeeyay ee Dalka Yaman oo la aasayo(Waqtigee)

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan danjire Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay wadahadalo uu la qaatay madaxda dowladda  Yaman iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha UNHCR, IOM iyo ICRC, kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Cadan. Danjire Axmed Suudaani, wuxuu sheegay in dadaal dheer kadib […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan danjire Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay wadahadalo uu la qaatay madaxda dowladda  Yaman iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha UNHCR, IOM iyo ICRC, kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Cadan.

Danjire Axmed Suudaani, wuxuu sheegay in dadaal dheer kadib ay Qunsuliyadda u suurta gashay in xabsiyada laga sii daayo qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalada Xudayda ee dalka Yemen, horraantii bishii Maarso 2017, sidoo kalana bukaanada duqeyntaasi ku waxyeeloobay dhaawacyadooda loo soo wareejiyo magaalada Cadan.

- Advertisement -

Qunsulka ayaa hoosta ka xariiqay in hadda laga guuleystay siideynta 115 qaxooti Soomaaliyeed ah oo isugu jiray Carruur, Haween iyo rag, halka kuwii dhaawacyada qabayna loo daadgureeyay Magaalada Sanca.

“Qaxootiga laga soo daayey xabsiyada xudayda tiro ahaan waxa ay gaarayan 86 rag ah iyo 27 dumar iyo 2 carruura, waxaana loo sameynayaa baaritaano caafimaad ka hor inta aan loo soo qaadin Caden,  si ugu dambeyn loogu soo daad gureeyo dalkoodii hooyo, Qunsuliyadduna ay u diyaariyaarisay dhammaan dukumiintiyadii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Dhinaca kale, qunsulka guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Mudane Axmed Suudaani, ayaa sheegay in maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 25 May 2017 la aasi doono meydadka 31 ruux oo ahaa qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey dooni ay la socdeen, isagoo arrintaasi si gaar ah uga mahad celiyey hay`adda ICRC iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee  Sanca oo gacan ka gaystay.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Qunsulka ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda, isalamarkaana aysan u soo dirin dalka Yemen oo la daalaa dhacaya colaado Sokeeye ee dalkaas ka socota.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts