Wararka aynu ka heleyno degmada Wadajir, gaar ahaan xaafada danwadaagaha ayaa ku waramaya in ciidmada dowladda ay dileen mid ka mid ah rag hoobiyayaal ku tuuray qeyba ka mid ah degmadaas, waxaana sidookale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaarigii ay wateen kooxdaas.
Ciidamada dowladda ayaa wali howgal ballaaran ka wada agagaarka danwadaagta ee degmada Wadajir, iyadoo la sheegayo in laba ka tirsan ragaas ay gudahha u galeen guri ay daganaayeen dad shacab ah, iyadoo la soo warinayo inay ku hareereysanyihiin ciidamada amaanka.
Saraakiil ciidan ayaa tagay goobta, iyadoo laga helayo halkaasi, warar kala duwan, inkastoo uu socdo howlgalka.
Lasoco waxa soo kordha