RW Xasan Cali Kheyre oo ay Mudanayaasha BFS bishan March 1-dii siiyeen Codkooda Kalsoonida ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda oo ka kooban 26-Wasiir, 26-Wasiir-xigeen iyo 15 wasiiro-dowlo.
Wasiiradda cusub ayaa isugu jira kuwo xilal hore ka soo qabtay Xukuumadihii hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda iyo Maamulka Dowladnimo.
Xildhibaano, Suxufi, Guddoomiye Gobal, Ganacsato, Mas’uuliyiin hore iyo Diplomaasiyiin hore ayaa iyagana ka mid noqday Golaha Wasiiradda, iyadoo Danjirihii Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan haatan loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.
Sidoo kale,. Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ahaan jirey Saxafi ee haatan hayey xilka Danjiraha Somalia ee QM ayaa Xukuumadda cusub ka noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.
C/rashiid Maxamed C/llaahi oo ahaa Guddoomiye hore ee Gobalka Bay iyo Sarkaal Hawlaha Samafalka ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Somalia.
Golaha Wasiiradda ee maanta la magacaabay waxaa kaloo xubno ka ah Wasiiro Rug-cadda ah, kuwaasi oo laga markhaati yahay Waxqabadkooda Hufan.
Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow†waa Mas’uul xilal badan oo Qaran soo qabtay, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Warfaafinta, Lacagta, La-taliye Madaxweyne iyo Madaxii Xafiiska Ra’isul-wasaarihii DKMG,  Nuur Xuseen Xasan “Nuur Caddeâ€.
Waxaa kale oo Wasiiradda caanka ah ka mid ah C/raxmaan Ducaale Bayle oo mar soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, haatan loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda cusub.
Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadii hore, waxaa loo maagacaabay Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga.
Sidoo kale, Drs. Maryam Qaasim oo mar soo qabtay Xilalka Wasiirka W/barashada iyo Caafimaadka, waxaana haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maaraynta Masiibooyinka.
Marka doc kasta laga eego Qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub waxaa laga dareemi karaa inay leedahay Astaan Xukuumad Qaran-deeq ah, waa laga yaabaa inay jiraan Siyaasiyiin ka caraysan saamiga ay Beelahooda ka heleen Golaha Wasiiradda.
Golahan cusub waxaa ku jira 6Â Wasiir oo wada haysta Shahaadada Jamaacadeed, oo u badan PHD degree, 19 xubnood oo Xildhibaan ama Wasiiro hore usoo noqday iyo 6 Wasiir oo wada Haween ah.
©Radio Dalsan