Ninka iyo Haweeneyda ayaa lagu helay inay nikaax la’aan u gogol galeen, waxaana lala tiigsaday Shareecadda Islaamka, iyadoo mid kasta lagu xukumay 26-Jaydal.
Sawiradda qaabkii loola dhacay Jeydalka ayaa la soo bandhigay, iyadoo ay Boqolaal qof daawanayeen markii Xukunkaasi lagu fulinayey fagaare ka soo horjeeda Masjid ku yaalla Gobalka Aceh oo ah Gobalka keliya ee dalka Indonesia ee sannadkii 2001-dii laga oggolaaday Hirgelinta Shareecadda Islaamka.
Dalka Indoneisa waxa uu ka mid yahay dalalka Islaamka ee ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin.
©Radio Dalsan