HomeWararMadaxweynaha: “ Waxaan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo...

Madaxweynaha: “ Waxaan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho shaqo ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha oo qeybaha bulshada kula hadlayey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada. “Ujeeddada booqashadeyda ee magaalada Baydhabo waxay tahay inaan maamulka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho shaqo ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qeybaha bulshada kula hadlayey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada.

- Advertisement -

“Ujeeddada booqashadeyda ee magaalada Baydhabo waxay tahay inaan maamulka iyo shacabka Koonfuur Galbeed ku dhiirigeliyo in la dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016, lagana shaqeeyo in si habsami leh ay hawshaasi taariikhiga ah inoogu qabsoonto. Baaqaasina waa mid aan shacabka Soomaaliyeed oo dhan u jeedinayo. Ujeeddada labaad waxay tahay inaan mar kale ku baaqo, idinna faro in qoondada haweenka ee kuraasta labada aqal la dhaqan geliyo, maadaama go’aankaasi uu yahay siyaasad qaran oo Soomaaliya oo dhan khuseysa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u dhaqaaqday, uuna filayo in dhalinyarada iyo haweenka u hanqal taagaya inay u tartamaan kuraasta labada aqal ay door weyn ka qaadan doonaan safarka dowlad dhisida ee Soomaaliyada cusub.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyinkan dadban ee lagu heshiiyey si aloo abuuro kalsooni sal adag leh oo shacabka ka dhexeeya.

- Advertisement -

“Doorashada sannadkan 2016 waa tallaabo taariikhi ah oo waddanka loogu diyaarinayo doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka. Waxaa hadafkeenu uu yahay inaan dhisno Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo wada oggol’’.

——————————-DHAMMAAD—————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts