Hadal ka soo baxay Ciiddanka Kenya ayaa lagu sheegay inay iska caabiyeen Weerar Jidgal ah oo ay Alshabaab la beegsadeen Ciiddan Ilaalo ka hayey Kolonyo gaadiid oo marayey Deegaanka Raas Kabooni ee Gobalka J/Hoose.
Kenya waxay sheegtay inay iska horimaadkaasi ku dileen 13 Dagaalyahano Alshabaab ah halka iyagana uu ka dhaawacmay Wiil uu dhalay mid ka mid ah Askarta uu dagaalku qabsaday.
Hadalka ka soo baxay Askarta Kenya waxaa kaloo lagu xusay in ay Dagaalamayaasha Alshabaab dib u gurteen, kana qabsadeen 3 Qoryaha laga gano Baasuukaha ee RBG, 3 qoryaha AK 47 iyo Hal Qori ee nooa Boobaha Fudud ah.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin Iska horimaadkaasi, mana jiro warar Madax-bannaan oo xaqiinayo Sheegashada Askarta Kenya.
©Radio Dalsan