HomeWararHay’addaha Ammaanka Kenya oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka  yihiin dadka Soomaalida...

Hay’addaha Ammaanka Kenya oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka  yihiin dadka Soomaalida ee lagu la’ yahay Nairobi iyo W/bari Kenya.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 qof oo Soomaali ah, la waayey,  kuwaasi oo labadii sanno ee ugu dambeysay ku jiray gacanta Ciiddanka Ammaanka Kenya. Warbixin ka kooban 87 Bog oo ay Hay’adda Human […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 qof oo Soomaali ah, la waayey,  kuwaasi oo labadii sanno ee ugu dambeysay ku jiray gacanta Ciiddanka Ammaanka Kenya.

Warbixin ka kooban 87 Bog oo ay Hay’adda Human Rights Watch soo saartay ayaa waxaa Hal-ku-dheg looga dhigay “Dhimasho, dad la la’ yahay iyo Xadgudbubyadda Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda ee magaalladda Nairobi iyo W/bari Kenya”/

- Advertisement -

Warbixinta waxaa kaloo lagu soo bandhigay Dukumentiyadda 34 Kiis  oo ku xiriirsan Hawlgalladda Wadajirka ee ay Hay’addaha Ammaanka Kenya, waxayna Milliterigu kaalin firfircoon ka qaateen Hawlgalladda lagu baarayey Guryo iyo Dhismooyin si loo soo xiro dadka lagu tuhunsan yahay inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab.

HRW 1Human Rights Watch waxay kale sheegtay inaan weli Eedeysanayaashii la xiray lagu soo oogin wax Dacwado ah, iyadoo inta badan la la’ yahay Eedeysanayaasha ku jiray gacanta Hay’addaha Ammaanka Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in inta ay Hawlgalladda Ammaanka socdeen la xiray Dhallinyarada Soomaali Kenyaanka laga tiro badan yahay, Iimaamyadda iyo Macallimiinta Dugsiyadda, kuwaasi oo badankodoa lagu xiray Saldhigyo iyo Xerooyin KMG oo ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin dhulka Kaymaha ee ku yaalla W/bari Kenya iyo qeybo kale oo ka mid ah dalkaasi.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Kiisaskaasi ayaa lagu sheegay inay Saraakiisha Boliska xiraan dadka, kadibna ay dadkaasi u gudbiyaan Milliteriga.

Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch  waxay ugu baaqday Dowladda Kenya in la joojiyo Tacadiyadda la geysto marka la fulinayo Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda iyo in la baaro dadka la dilay iyo kuwa lagu la’ yahay W/bari Kenya.

Xigasho: HRW

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts