Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa lagu sheegay in 8,777 qof ayaa laga qadat Xilalkooda, iyadoo ay ku jireen 7,899 ka tirsan Boliska dalkaasi.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim ayaa maanta sheegay in la xiray in ka badan 7,500 Eedeysane oo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.
Waxa uu tilmaamay in Eedeysanayaasha la xiray ku jira 100 Bolisk, 6-kun oo Milliteri, 755 Garsoorayaal , Dacwad-oogayaal iyo 650 qof oo rayid ah.
Warbaahinta Dowladda Turkiga waxay sheegeen in Eedeysanayaasha ku lugta lahaa Afgembigii Fashilmay, kuwaasi oo ay ku jiraan 103 Jeneral iyo Admirals.
©Radio Dalsan