HomeWararMuqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

- Advertisement -
- Advertisement -

HAY’ADDA ISGAARSIINTA QARANKA IYO JAAMACADDA MUQDISHO OO DAAHFURAY MADASHA AFARAAD EE AMNIGA SAYBARKA QARANKA

Muqdisho, Soomaaliya – 27 Oktoobar 2026 – Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho.

Madashan oo soconaysa laba (2) maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, shirkadaha bixiya adeegga internet-ka, bangiyada, jaamacadaha, ururrada bulshada rayidka ah, cilmi-baarayaal iyo khubaro ku takhasusay amniga saybarka.

- Advertisement -

Madasha oo sannadkan halku-dheggeedu yahay “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkaysiga Saybarka iyadoo lagu salaynayo Naqshadayn ku Dhisan Amni” ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta awoodaha amniga saybarka, horumarinta nidaamyada dhijitaalka ah oo amnigooda la sugay iyo iskaashiga daneeyayaasha.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka madasha, ayaa tilmaamay doorka jaamacadaha ee soo saarista xirfadlayaasha amniga saybarka, isagoo xusay hirgelinta Takhasuska cusub ee Amniga Saybarka iyo Garaad Gacmeedka ee Jaamacadda Muqdisho.

- Advertisement -

“Amniga Saybarku waa mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashiga dowladda, jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada. Jaamacaduhu waxay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta xirfadaha iyo cilmi-baarista loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadaha cusub ee amniga saybarka,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo bandhigay guulaha Hay’addu ka gaartay amniga saybarka, oo ay ka mid yihiin daahfurka Xarunta Ka-jawaabista Xaaladaha Deg-degga ee Amniga Saybarka (SOMCIRT), tababarrada shaqaalaha dowladda, wacyigelinta bulshada iyo diyaarinta qaab-dhismeedyada u hoggaansanaanta shuruudaha amniga saybarka iyo maaraynta khataraha.
“Horumarka aan sannadkan samaynay wuxuu saldhig muhiim ah u yahay xoojinta amniga saybarka ee dalkeenna. Madashani waxay fursad u tahay isweydaarsiga aqoonta, cilmi-baarista iyo khibradaha, iyo soo saarista xalal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo dadaallada qaran ee amniga saybarka,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), oo si rasmi ah u furay madasha, ayaa HIQ iyo Jaamacadda Muqdisho ku ammaanay qabashada madashan sannadkii afaraad oo xiriir ah. Wuxuu xusay daahfurkii SOMCIRT ee bishii Maarso 2026 iyo qorshaha lagu daahfurayo Akadeemiyadda Qaran ee Amniga Saybarka dabayaaqada sannadkan.

Wasiirka ayaa ka qaybgalayaasha ku dhiirrigeliyay isweydaarsiga fikradaha iyo soo saarista talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo amniga Saybarka iyo wacyigelinta bulshada.

“Waxaan rajaynayaa in madashan ay ka soo baxaan natiijooyin wax-ku-ool ah oo bulshada Soomaaliyeed anfaca,” ayuu yiri Wasiirku.

Madasha waxaa lagu soo bandhigayaa cilmi-baarisyo iyo doodo ku saabsan siyaasadaha iyo habraacyada amniga saybarka, ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah, khataraha soo kordhaya iyo ka-jawaabista dhacdooyinka amniga saybarka ee heer qaran, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo amniga ku dhisan naqshadaynta nidaamyada dhijitaalka ah.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts