HomeWararHantidhowrka Guud oo Guddiga Shaqaalaha U Digay

Hantidhowrka Guud oo Guddiga Shaqaalaha U Digay

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa ku adkeystay madax-bannaanidiisa dastuuriga ah,

- Advertisement -
- Advertisement -

DHOWRIDDA MADAXBANNAANIDA HAY’ADDA HANTIDHOWRKA GUUD

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waa hay’ad dastuuri ah 00 madax-bannaan, lehna madax-bannaani maamul iyo mid maaliyadeed, laguna dhisay Qodobka 177aad ee Dastuurka JFS.

Awoodaha, waajibaadka iyo shaqooyinkiisa waxaa lagu faahfaahiyey Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, Sharci Lr. 17 ee 2019, iyo Sharciga Hantidhowrka Guud, Sharci Lr. 14 ee 2023.

- Advertisement -

Xafiiska Hantidhowrka Guud waa hay’adda ugu sarreysa ee u xilsaaran hantidhowrista, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida danta guud iyo macaamillada maaliyadeed ee dowladda, isla markaana fulisa kormeer iyo daba-gal ku saabsan maareynta kheyraadka guud.

Sidoo kale, waxa uu hubiyaa dhowrista iyo ku dhaqanka shuruucda maamulka maaliyadda iyo miisaaniyadda Dowladda.Sidaas awgeed, si waafaqsan Qodobka 63aad (2) ee Xeer-nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda, Xeer Lr. 174 ee 15/02/2025:

“Guddiyada iyo Xafiisyada madax-bannaan ee dastuuriga ah, waxaa lagu nidaaminayaa mabaadi’da dastuuriga ah iyo qodobbada ku qeexan xeerarkooda gaarka ah.”

Marka la eego qodobbada kor ku xusan, waxaa waajib sharci ku ah Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda in uu si buuxda u dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isla markaana tallaabo kasta, go’aan kasta ama habraac kasta oo khuseeya Xafiiska lagu saleeyo Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee lagu dhisay laguna nidaamiyo Xafiiska.

- Advertisement -

Sidaas darteed, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa in uusan qaadin ama dhaqan-gelin tallaabo wax u dhimaysa, xaddidaysa ama ka hor imaanaysa madax-bannaanida, awoodaha iyo nidaamka sharciyeed ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts