Xamsa oo Wasaaradaha Dowladda Ku Sameeyay Qiimeyn Waxqabad
MUQDISHO, Sabti, 12 Sebteembar 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la xisaabtan iyo qiimeyn ah la yeeshay wasiirrada Xukuumadda DanQaran, iyadoo lagu eegayay heerka ay wasaaraduhu uga soo baxeen qorshayaashii iyo ballanqaadyadii ay hore u dejiyeen.
Qiimeynta ayaa lagu saleeyay shaqooyinka iyo yoolalka ay wasiirradu ku heshiiyeen inay fuliyaan, iyadoo la eegayay waxyaabihii qabsoomay, caqabadihii horyimid iyo meelaha u baahan in wax laga beddelo ama la dardargeliyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nidaamkan isla xisaabtanku ujeeddadiisu tahay in si joogto ah loo cabbiro waxqabadka Xukuumadda, lana ogaado sababaha keena in qaar ka mid ah qorshayaasha aan loo fulin sidii loogu talagalay.
“Qorshe ayaynu samaysanay, idinka ayaa dajiyay, kadibna waan isla saxiixanay, qorshihii ayaan isla qiimeynaynaa, waxaan eegeynaa caqabadaha jira, fursadaha iyo waxyaabaha aan sixi karno,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Markan, qiimeynta ayaa lagu soo bandhigay qaab dijitaal ah, iyadoo shaashad weyn lagu muujiyay boqolleyda natiijooyinka ay wasaaraduhu ka gaareen qorshayaashooda iyo kala sarreynta waxqabadka wasaaradaha.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u sameeyay hannaan la mid ah oo lagu qiimeeyay waxqabadka Xukuumadda DanQaran. Bishii Agoosto 2025, Xamsa ayaa daah-furay qiimeyn lagu eegayay waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha Xukuumadda muddadii saddexda sano ahayd ee ay xilka haysay.
Nidaamka qiimeynta ayaa sidoo kale la jaanqaadaya dadaallada dowladda ee ku aaddan casriyeynta maamulka iyo adeegsiga teknoolojiyadda. Istaraatiijiyadda Dowladnimada Danabaysan ee dowladda ayaa si gaar ah u qeexaysa in tiknoolojiyadda loo adeegsado hagaajinta maamulka, adeegyada dowladda iyo hababka kormeerka iyo qiimeynta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiirrada, agaasimeyaasha guud iyo shaqaalaha farsamada ku boorriyay inay dardargeliyaan howlaha qaranka, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xukuumadda ka sugayaan waxqabad muuqda.
Qiimeynta ayaa sidaas ku noqonaysa qayb ka mid ah habka dowladda ay ugu raadjoogto fulinta qorshayaasheeda, iyadoo natiijooyinka iyo caqabadaha soo baxa loo adeegsanayo dib-u-habeyn iyo sixitaan ku yimaada yoolalka wasaaradaha.
