HomeWararMadaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammeystay sanad waxbarashadooda ciidan ee Dugsiga Tababarka ee TURKSOM. Madaxweynaha ayaa daawaday dhoolatus ciidan oo ay wadajir u sameeyeen Saraakiisha, Saraakiil-xigeenada iyo colalkii ay hoggaamin lahaayeen.

- Advertisement -

Tababarkan ayaa muhiim u ah xilligan, sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay tallaabo cusub oo ay Dowladda Soomaaliya uga sii dhowaanayso dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo la xoojinayo awoodda iyo xirfadaha ciidamada si ay uga jawaabaan caqabadaha amni ee dalka ka jira.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xafladda qalin-jabinta ayaa ku bogaadiyay dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen saraakiishu muddadii uu tababarkoodu socday. Wuxuu yidhi: “Waxaad tihiin hoggaamiyeyaasha berri ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagana sugayo inaad si daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad ku dheehan tahay ugu adeegtaan qarankooda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-dhiska, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood iyo xirfad ay ku xaqiijiyaan amniga dalka, difaaca qarannimada iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

- Advertisement -

Waxaa intaas dheer, Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiso horumarinta iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, taasi oo door muuqda ka qaadatay dhismaha ciidan qaran oo leh xirfad iyo karti.

Saraakiisha qalin jabisay ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa lagu tababaray qaabab casri ah oo ku saleysan taageerada Turkiga, iyagoo diyaar u ah inay qabtaan waajibaadkooda ciidan ee dalka. Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee Dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidamada si ay uga hortagaan khataraha amni.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts