HomeWararSoomaaliya oo ku Biirtay Guddiga Fulinta ee INPDPA

Soomaaliya oo ku Biirtay Guddiga Fulinta ee INPDPA

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo ku Biirtay Guddiga Fulinta ee INPDPA Mudane Mohamed Nur Olow, oo ah Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), kaas oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Soomaaliya oo ku Biirtay Guddiga Fulinta ee INPDPA

Mudane Mohamed Nur Olow, oo ah Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), kaas oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka ururka iyo xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka si loo wada xalliyo caqabadaha amniga xogta.

- Advertisement -

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ku jira guddiga fulinta ururka cusub, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay ilaalinta xogta shacabka. Kulankani waxa uu yimid xilli ay tiknoolojiyadda casriga ahi keenayso khataro cusub, isagoo dejinaya aasaas looga wada shaqeeyo amniga macluumaadka dalalka Islaamka .

Mudane Olow ayaa xusay in Soomaaliya ay door weyn ka ciyaari doonto horumarinta himilooyinka ururka, isagoo tilmaamay in ilaalinta xogta iyo xuquuqda muwaadiniintu ay tahay mid lama huraan ah. Wuxuu sheegay in dalalka Islaamka ay wadaagaan caqabado isku mid ah, iskaashiguna uu fure u yahay xallintooda .

“Soomaaliya waxay si firfircoon uga qayb qaadan doontaa dadaallada INPDPA, waana muhiim inaan iska kaashano dalalka walaalaha ah si loo xoojiyo amniga xogta loona ilaaliyo xuquuqda shacabkeena,” ayuu yiri Mudane Mohamed Nur Olow.

- Advertisement -

Sidoo kale, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in wadaagga khibradaha iyo aqoonta uu yahay qaabka kaliya ee lagaga gudbi karo caqabadaha tiknolojiyadda casriga ah, isagoo dalbaday in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo adkayn lahaa xeerarka ilaalinta xogta.

Kulankan oo ahaa kii labaad ee la qabto, ayaa lagu wadahadalay sidii loo wadaagi lahaa khibradaha wax ku oolka ah, iyo sida looga hortagi karo weerarrada dhanka xogta ah. Soomaaliya oo ah mid ka mid ah dalalka ku soo biiray ururkan, ayaa rajeynaysa inay ka faa’iideysato taageerada farsamo ee ay bixinayaan dalalka horumaray.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee guddiga fulinta INPDPA waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda ay dowladdu siineyso amniga xogta, iyadoo rajeynaysa inay tani kaalmo ka noqoto horumarinta qaranka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts