HomeWararJubbaland oo xukun ku riday Rag dil ka geystay Magaalada Kismaayo

Jubbaland oo xukun ku riday Rag dil ka geystay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga gal-dacwadeedka kiis dil ah, sidoo kalena xukun ku riday eedeysaneyaal loo haystay kiis kale oo dil ah. 6 eedaysane oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa kasoo hormuuqday Maxkamadda. Dhegaysiga dacwadda iyo xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelada eedaysnayaasha iyo kuwa dhibanayaasha. Lixda eedaysane ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga gal-dacwadeedka kiis dil ah, sidoo kalena xukun ku riday eedeysaneyaal loo haystay kiis kale oo dil ah. 6 eedaysane oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa kasoo hormuuqday Maxkamadda.

Dhegaysiga dacwadda iyo xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelada eedaysnayaasha iyo kuwa dhibanayaasha. Lixda eedaysane ayaa afar kamid ah waxaa loo haystaa in ay jir dil u gaysteen Nuur Maxamed Cabdulle kaas oo markii dambe u geeriyooday jirdilkii ay u geysteen.

- Advertisement -

Afarta eedaysane oo ka tirsan ciidanka u xilsaaran ilaalilnta dhulka ayaa waxay Maxkamada ku xukuntay diyo boqol Hallaad oo Geela taas oo lacag ahaan u dhiganta $50,000, Maxkamadda ayaa sheegtay in magta marxuumka loo qaybiyay labo qaybood taas oo $30,000 ay bixinayaan ehelada Ciidanka halka, $20,000 ay bixinayso hay’adda dhulka Jubbaland.

Sidoo kale Maxkmadda ayaa isla goobta ku dhegaysatay eedda falal dil ah kuwaas oo loo haysto Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Xassan Xumeey Axmed, xeer ilaalinta ayaa Wayrax Khaliif Yuusuf ku eedeysay in uu dil u geystay Xaliimo Rooble oo 50 sano jir ah, halka Xasan Xumeey Axmed oo ah Taliye horin lagu eedeeyey dil ciqaabeed uu u geystay mid ka mid ah askartiisa sidaasna uu ku naf waayay.

Eedaysane Wayrax Khaliif Yuusuf ayaa sheegay in xabbada ku dhacday marxuumad Xaliimo Rooble aysan ahayn mid uu si bareer ugu dhuftay, wuxuuna codsaday in xukunka loo khafiifiyo.

- Advertisement -

Kabtan Nuur Xassan Axmed xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Jubbaland iyo Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa siwada jir ah Maxkamadda uga hor akhriyay eedemaha iyo xukunka loo haystay dhamaan edesanayaasha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts