Siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Munaasabad u sameeyay qoyska Allaha naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.
Mahdi Guuleed ayaa tacsi u diray Qoyska iyo Ehelada Marxuum Cali Khaliif, isagoona Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo Cali oo ahaa siyaasi magac ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Mahdi Guuleed la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.
Cali Khaliif Galeyr ayaa maalmo kahor ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana la sheegay inuu u dhintay Cudurka halista ah ee COVID-19, isla markaana waxaa Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.