HomeWararDagaal khasaaro geystay oo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo. Dagaalka ayaa ka bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanada Caano-qubow iyo qaniyaale oo ku yaalla duleedka Balad-xaawo, halkaas oo la sheegay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanada Caano-qubow iyo qaniyaale oo ku yaalla duleedka Balad-xaawo, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Al-shabaab, uuna ka dhacay dagaal xoogan.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalkaas oo socday saacado dhowr ah, waxaana faah faahin ka bixiyay saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka dowladda.

Taliyaha Ciidanka Nabadasugida Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo Cabdullaahi Xuseen Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerar qorsheysan ay ku qaadeen Al-shabaab, isla markaana ay dagaalka uga dileen 6 dagaalame, halka 4 kalena ay ka dhaawaceen, iyadoo dhankoodana uu jira khasaaro gaaray.

Sidoo kale Taliye Cabduqaadir Xuseen ayaa tilmaamay in dagaalka inta uu socday Ciidanka dowladda ay shabaab uga qabsadeen gaari nooca raaxada ah iyo xoolo Ari ah oo ay ku sheegeen in shacabka Gobolka Gedo si xoog ah looga qaaday, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay dagaalo geystay Khasaarooyin kala duwan ku  dhex-mareen deegaano ka tirsan Gobolada dalka, iyadoo labada dhinacna ay guulo ka kala sheegteen dagaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts