HomeWararBahda Waxbarashada Dugsiyada  oo war kasoo saaray Natiijadii Imxtixaanka

Bahda Waxbarashada Dugsiyada  oo war kasoo saaray Natiijadii Imxtixaanka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa war Murtiyeed kasoo saaray shir u socday muddo seddex maalmood ah, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin tallabada ay qaadday Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanayd qaabka ay u saxeen Imtixaankii Shahaadiga ahaa dugsiyada Sare ee Dalka. War- murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay Bahda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa war Murtiyeed kasoo saaray shir u socday muddo seddex maalmood ah, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin tallabada ay qaadday Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanayd qaabka ay u saxeen Imtixaankii Shahaadiga ahaa dugsiyada Sare ee Dalka.

War- murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir aysan u dul qaadan doonin hadalada kasoo yeeraya madaxda dowladda eek u aaddan in Ardayda Imtixaabka ku dhacday ay maandooriye iyo Baraha bulshada ay ku mashquuleen taasi oo keentay in ay ku dhacaan Imtixaanka dugsiga sare ee wasaaradda Waxbarashada.

- Advertisement -

Waxaa ay soo dhaweeyeen in dowladdu qaaddo imtixaan midaysan oo dalka oo dhan si rasmi ah looga galayo, balse waxaa ay sheegeen in ay jiraan wax is daba-marin iyo habka loo qaadayo Imtixaanka oo aan ahayn hab wanaagsan.

Waxaa ay sheegeen Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir in ay dhaliilsan yihiin Natiijada kasoo baxday Imtixaanka Dowladda, aysana u qalmin ardayda wax ka barata Gobolka Banaadir oo sida wasaaraddu sheegtay ah ardayda ugu badan ee ku dhacay Imtixaankii dhawaan la shaciyay.

Qodobada kasoo baxay war-murtiyeedka ayaa ahaa:

- Advertisement -

1-In Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu soo faragaliyo arrintan, uuna guddi u xilsaaro.

2- in wasaaraddu ay aqbasho dhaliilaha loo soo jeediyay ayna  garowsato qaladka ay galeen.

3- in raali galin ay ka bixyaan Mas’uuliyiintii sheegay in ardayda Gobolka banadir Sababta ay u dhaceen ay ahayd isticmaalka Maandooriyaha taabuuga iyo ku mashquulidda Baraha Bulshada iyo Goobaha Waxbarashada ee ay ku tilmaameen kuwo u furan ganacsi ahaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts