HomeWararDagaal Culus oo ka socda degaan Shabeellow iyo Ciidamo loo diray

Dagaal Culus oo ka socda degaan Shabeellow iyo Ciidamo loo diray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dagaal Culus ayaa weli waxaa uu ka socdaa deegaanka Shabeelloow oo 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwa Galmudug, Dad shacab ah iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Saraakiil ku sugan Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo Gurmad ah oo ka tirsan qeybta 21-aad loo diray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal Culus ayaa weli waxaa uu ka socdaa deegaanka Shabeelloow oo 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwa Galmudug, Dad shacab ah iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiil ku sugan Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo Gurmad ah oo ka tirsan qeybta 21-aad loo diray deegaanka Shabeelloow oo qeyb kamid ah Al-shabaab ay la wareegeen, halka dhinac kalena uu ka socdo dagaal xoogan.

- Advertisement -

Gaadiid nooca dagaalka oo ay la socdaan Ciidamada xoogga ayaa lasoo weriyay inay gaareen goobta uu dagaalka ka socdo, isla markaana Ciidanka ay doonayaan inay si buuxda ula wareegaan Shabeelloow.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana aad u adeg in xog dheeraad ah laga helo Khasaaraha, kadib markii ay Go’day Isgaarsiintii deegaanka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay si buuxda ula wareegeen Saldhiga Ciidanka Galmudug iyo deegaanka Shabeelloow oo 20-km u jira Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, ayna ku sugan yihiin halkaas.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa intaas kusii dartay in dagaalka lagu dilay 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka Galmudug, sidoo kalena qarax miino nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo badan, kaasi oo kasoo baxay Bacaadweyn.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts