HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay wefdi ka socday dalka Kenya

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay wefdi ka socday dalka Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu horayn xubnaha waftigu waxay Madaxwaynaha Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ugu horayn xubnaha waftigu waxay Madaxwaynaha Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada dhinac, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacayada ee siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.

- Advertisement -

Madaxawaynaha Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, Uhuru kenyatta, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.

Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

- Advertisement -

Ugu danabayntiina waxa uu Madaxweynaha Somaliland ayaa  salaan iyo bogaadin u diray madaxaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru kenyatta iyo shacbiga dalkaasi oo ay Somaliland ka dhaxayso xidhiidh walaaltinimo.

Kulankaa waxa madaxawaynaha iyo waftiga ku wehelinayay wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo wasiir ku xigeenkasa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts