Rag hubeysan ayaa xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Guddoomiyihii Ururka dadka baariyaha gaarka ah qaba ee Koonfur Galbeed Shariif Mukhtaar Jiis.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiye Shariif Jiis oo la toogtay xili uu ku sugnaa gurigii uu ka deganaa gudaha Baydhabo.
Al-shabaab ayaa sheegtay in Marxuum Shariif uu ahaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Dambi baarista CID-da dowladda, isla markaana laamaha ammaanka dowladda Federaalka uu la shaqeynayay muddo ka badan 10 sanadood.
Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilkii xalay loo geystay Guddoomiye Shariif Mukhtaar.