Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray xeerarka kaabaya sharciga doorashooyinka ee ay ka doodayaan xildhibaanada golaha shacabka oo qaarkood ay meel mariyeen golaha kadib dood ay ka yeesheen.
Qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay walaaca ay ka qabaan meelmarinta sharciyadaas oo ay shegeen in aysan waafaqsaneyn Dastuurka KMG ee dalka iyaga oo ku baaqay in la joojiyo doodooda.
“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ay soo jeedinaysa in aan la meel marin sharciyo iyo xeerar aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka isla markana heshiis ayna ka gaarin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah†yaa lagu yiri qoraal kasoo baxay.
Dhinaca kalana maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in aysan ku dhaqmi doonin xeerar kasta oo si wadajir ah aysan uga tashan dowladda,maamul gobaleedyada iyo saameylayda siyaasadda.
Ugu dambeyntii ayay sheegeen in loo baahanyahay in aan dalka loo hor seedin qalalaase siyaasadeed iyo walaac doorasho sidaas daraadeedana ay ku baaqayaan in xeer kasta oo la xiriira sharciga doorashooyinka lageliyo wadatashi inta ka horeysan la joojiyo doodiisa.
Shalay ayay aheyd markii guddoomiyaha golaha aqalka sare C/xaashi C/llaahi qoraal uu soo saaray uu ku shegay in been abuur lagu sameyay 4-ta xeer ee sharciga doorashooyinka nuqolo ka mid ahna la bedelay,in kasta oo Senetaro ka tirsan aqalka sare ay sheegeen in aysan jirin xeerar la bedelay.
Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Jubbaland