HomeWararSoomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar lagu taageeray Masar

Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar lagu taageeray Masar

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xiriirta webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya. Qaraarkana ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xiriirta webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya.

Qaraarkana ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda.

- Advertisement -

Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo gudbiyey Masar, waxaana ansixiyey dhammaan wasiirada arrimaha dibedda ururka marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.

Soomaaliya ma shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay 23-kii March sheegay in Soomaaliya ay mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Cawad oo hadal ka jeediyey kulankii shalay, oo lagu qabtay qaab muuqaal online ah, ayaa ugu baaqay Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.

- Advertisement -

Itoobiya ayaa sheegtay inay bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile.

Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts