Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ay ku dileen gudaha Magaalada Baydhabo.
Dad ku sugan Baydhabo ayaa ku warramay in dilka loo geystay Sarkaalka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Baydhabo, iyadoo ay toogteen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, isagoon u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in rag hubeysan ee dilay Saraalka ay goobta ka baxsadeen, waxaana goobta daqiiqado kadib tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada dilka ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyagoo tilmaamay inay dileen Saraal lagu magacaabi jiray Aadan Booroow kana tirsanaa Ciidanka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Shabaab ayaa sheegay in ragii falka fuliyay ay horey usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka xiligii la dilayay, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan dilkaas.