Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horreeyay ee Kal-fadhiga 7aad ee Golaha ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay Sharciga Axzaabta oo Kamid ah Sharciyadda uga Ahmiyadda badan sida uu shalay Warbaahinta u sheegay habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuux.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu kulan jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulanka ugu horreeya ee Kal-fadhiga 7aad ee uu dhawaan furay Madaxweyne Farmaajo.
Xarunta Villa Hargeysa ayaa haatan waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulankaas, waxaana Xarunta kusii qul qulaya Xildhibaanada, si ay uga qeyb galaan.
Guddiga Joogtada Golaha ayaa kulankii shalay ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ay ku dejiyeen Ajendayaasha Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, iyadoona ay Golaha horyaallan shaqooyin farabadan oo laga doonayo inay qabtaan.