HomeCaalamkaQM oo War kasoo saartay Dhaqaalaha Afrika iyo saameynta COVID-19

QM oo War kasoo saartay Dhaqaalaha Afrika iyo saameynta COVID-19

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaan ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaan ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha iyo howlaha hay’adaha caafimaadka, Sahayda Gargaarka, Kahortagga mashaakilaadka lacag la’aanta, Taageero Waxbarashada, Shaqo Abuurista, Wax kaqabashada ganacsiga sii sabeeynaya iyo in la dejiyo hoos u dhaca xaaladaha dhakhliga ka soo xaroon jiray waxyaabaha dibadaha loo dhoofiyo oo hoos u sii dhacay.”

- Advertisement -

Mr. Guterres ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay u baahan tahay in ay ka hadasho burburka ku yimid dhaqaalaha iyo cawaaqibyada ay wajahayso bulshada kaasi oo ka yimid kadib markii uu shaac baxay coronavirus.

Hadaba, si waxyaabahaasi loo suurrogeliyo waxaa loo baahan yahay in ka badan $200 bilyan oo doolar, in lagaga gudbo amaahda lacageed ee lagu leeyahay wadamada Afrikaanka ah taasi oo ah arin weli taagan.

Dhaqaalaha Qaaradda Afrika ayaa sanadihii dhowaa ahaa mid si xoog leh u sii kordhaysay iyadoo uu jiray heshiis laga gaaray ganacsiga xorta ah ee qaaradda, waxaa sidoo kale Meesha ka baxay dalabaadka badeecadaha Afrika ee loo iibgeyn jiray dalalka dunida, Sidoo kale Dalxiiskii iyo xawaaladihii ganacsiga ayaa gebi ahaanba istaagay.

- Advertisement -

Qaaradda Afrika ayaa wajahaysa xaalado halis ah oo laga cabsi qabo in cudurka halista ah ee Covid-19 uu gebi ahaanba baabi’iyo dhaqaalaha iyo horumarka tiro dad lagu qiyaasay malaayiin ruux  ee ku kala nool dalalka saboolka ah ee Afrika islamarkaana malaayiin  qof ay wajahaan saboolnimo xad dhaaf ah.

Cudurka Caronavirus ayaa gaaray 89,000 xaaladood iyo 2,848 dhimasho, sida laga soo xigtay xarumaha xakameynta iyo la socodka cudurka ee loo soo gaabiyo (CDC).

Haddii aanan la qaadan tallaabooyin ku filan kahortagga iyo xakameynta coronavirus waxaa suurtagal ah in 190,000 oo qof ay u dhintaan cudurka sanadka ugu horeeya ee uu cudurkan uu ku dhaco 26% iyadoo in lagu qiyaasay 1 bilyan oo Afrikaan ihi uu ku dhacayo cudurkan COVID-19, sida ay sheegtay hay’adda C/fimaadka Adduunka ee WHO.

Dadyowga Qaaradda Afrika ayaa bilowgiiba dareemay xanuunka iyo jahawareerka uu cudurkan sababta uu unoqday sida shaqo la’aanta, cunno yarida iyo iyadoo caruur badan aysan helin talaalka iyo cunnadii ay ka heli jireen iskuulada maadaama gebi ahaanba la xiray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts