HomeCaalamkaShiinaha oo ka digay tallaabo ka dhan ah Mareykanka

Shiinaha oo ka digay tallaabo ka dhan ah Mareykanka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ka digtay inay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah, haddii Mareykanka uu u adkeysto “inuu waxyeeleeyo” danaheeda ku aadan Hong Kong. Washington ayaa dhowaan sheegtay inay soo rogi doonto cunaqabteyno ka dhan ah Shiinaha, sababo la xiriira sharci cusub oo amniga qaranka ah, kaasi oo Shiinaha ay doonayaan inay ka dhaqan-geliyaan Hong […]

- Advertisement -

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ka digtay inay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah, haddii Mareykanka uu u adkeysto “inuu waxyeeleeyo” danaheeda ku aadan Hong Kong.

Washington ayaa dhowaan sheegtay inay soo rogi doonto cunaqabteyno ka dhan ah Shiinaha, sababo la xiriira sharci cusub oo amniga qaranka ah, kaasi oo Shiinaha ay doonayaan inay ka dhaqan-geliyaan Hong Kong.

- Advertisement -

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibdda Shiinaha Zhao Lijian ayaa weriyayaasha u sheegay in Mareykanka uu isku dayayo inuu dhaawaco amniga qaran ee Shiinaha.

Waxa uu sheegay in Beijing ay ashtako xooggan ka gudbisay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Robert O’Brien, kaasi oo sheegay in sharciga

Shiinaha ayaa ku gacan seeray cabashada ka imaneysa dalalka dibedda ee la xiriirta “faro-gelinta” Hong KOng, waxaana ay sheegtay in sharciga cusub uusan waxba u dhimi doonin is-maamulka Hong Kong .

- Advertisement -

Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha ayaa sheegay in sharciga lasoo jeediyey uu beegsan doono ficillo kooban, islamarkaana uusan saameyn doono madax-banaanida magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories