Warar lagu kalsoonaan oo aan helnay ayaa sheegaya in saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho laga daad-gureyn doono Muwaadiniinta iyo Diplomaasiyiinta Sweden ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Sababta dalka looga qaadayo Muwaadiniinta u dhashay Sweden ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sabab la xiriirta Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay Soomaaliya.
Diyaarad Khaas ah ayaa Muwaadiniinta iyo Diplomaasiyiinta ka qaadi doonta Muqdisho, kuwaasi oo dib loogu celin doono dalka Sweden oo markii horey ay ka yimideen, iyagoona dalkeena u joogay howlo shaqo.
Dad heysata dhalasha Sweden ayaa waxaa ay sheegeen in uu socdo qorshe lagu daad-gureynayo, hayeeshee waxaa xusid mudan in weli war rasmi ah oo ku aadan arrimahaas uusan kasoo bixin Safaaradda Sweden ee ku leedahaya Magaalada Muqdisho.
Dowladaha Turkiga, UK, Mareykanka iyo kuwo kale ayaa waxaa ay Muwaadiniintooda horey ugala baxeen Soomaaliya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus oo in ka badan 1400 oo kiisas ah laga helay gudaha dalka Soomaaliya.