Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay Dil xalay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Isgoyska Jubba ugu geystay laba ruux oo shacab ah.
Sheekh Shariif ayaa Cambaareeyay falkii xalay lagu dilay dadkii shacabka ahaa, kuwaasi oo uu si bareer ah u dilay Askari Booliska, waxaana Shariif falkaas uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Waxaa uu Sheekh Shariif ku baaqay in sharciga la horgeeyo Askarigii ka dambeeyay falkaas iyo cidii amartayba, si cadaalada loo marsiiyo.
Dhinaca kale Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu mar labaad uu ku celiyay in Badowga habeenkii ah ee saaran Caasimadda uu culeys ku yahay dadka Muqdisho, iyadoo horey ay shacabka ugu xirnaayeen Waddooyinka.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu ku taliyay in Bandowga saaran Muqdisho dib loo dhigo, isla markaana Bandowga la geeyo 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino.
“Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore” ayuu yiri Sheekh Shariif.